Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Qaramada Midoobay oo ka hadashay Shirka ka furmaya Magaalada Muqdisho

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Shirka ka furmaya Magaalada Muqdisho

Qaramada Midoobay ayaa so dhaweeysay shirka Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir uga furmaya Magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Bahda Qaramada Midoobay ay arrimo shirka kala hadleen Ra’iisul Wasaaaraha iyo Madaxda dowlad Goboleedyada,waxaana ay ugu baaqeen hoggamiyeyaasha Soomaalida inay tansuul muujiyeen.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Qaramada Midoobay.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa sharaf u ahayd in ay la kulantay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda xubnaha ka ah Federaalka maalmihii la soo dhaafay.

Waxaan ku dhiirrigelinnay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay si daacadnimo leh uga qeybgalaan Shirka Muqdisho ka dhacaya si dhakhso looga heshiiyo hirgelinta doorashada.

Tanaasul iyo is afgarad ayaa loo baahanyahay si Soomaaliya ay horay ugu sii socoto ugana faa’iideystaan dhammaan ka dadka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed waxa ay heystaan taageerada Qarammada Midoobay ee ku aaddan guuleysiga Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ee ay Soomaalidu hoggaamineyso.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed