Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Qaramada Midoobay Oo soo saaray digniin la xiriirta doorashada Soomaaliya

Qaramada Midoobay Oo soo saaray digniin la xiriirta doorashada Soomaaliya

Golaha ayaa marka hore ka digay in ay markale uu dib u dhac ku yimaado doorashada Soomaaliya oo dib uga dhacday waqtigii loo asteeyey oo aheyd 8-dii Febraayo.

Sidoo kale golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay heshiis ka gaaran muranka ka jira doorashada 2021-ka.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa sidoo kale xoojiyey muhiimada uu leeyahay shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayo xaaladda dalka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo agaasimaanka doorasho xor ah, Hufan, lagu kalsoonaan karo, loona dhan yahay, iyadoo lag saleynayo Heshiiskii September 17-dii ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii.

Dhinaca kale golaha ayaa ugu dambeyun meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howl-galkaMidowga Afrika ee AMISOM oo la gaarsiiyey, illaa bisha December.

Si kastaba Soomaaliya ayaa weli wajaheyso xaalad hubanti la’aan oo ka dhalatay is marin-waaga ka taagan doorashada 2021-, taas oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin, xilli uu dhammaaday muddada xil-heynta ee madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed