Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Qaramada Midoobey Oo Balan Qaad Cusub U Sameeysay Galmudug

Qaramada Midoobey Oo Balan Qaad Cusub U Sameeysay Galmudug

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ayaa madaxtooyada Maamulka ku qaabilay wafdi ka socday Hay’addaha Qaramada Midoobey ee kala ah IOM, WHO, UNICEF, UNHCR, OCHA, WFP, UNDP oo Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka oo aay goob joog ahaayen Wasiirada Galmudug iyo agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudg waxaa hay’adaha kala duwan ee UN-ka lala wadaagay baahiyaha kala duwan ee ka jira Galmudug, iyagoo balan qaaday in aay wax badan ka qaban doonan baahiyaha muhiimka ah ee Galmudug.

Mas’uliyiinti ka socday hay’adaha kala duwan ee maanta booqday Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in shaqooyin badan ka qaban doonaan guud ahaan deegaanada maamulka.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa hay’adaha kala duwan ee UN-ka ku boggaadiyay doorka aay ka qaadanayaan wax ka qabashada arimaha kala duwan ee ka jira Galmudug, isagoo ugu baaqay in Galmudug laga gacan siiyo arimaha horumarka

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed