Skip to content
  • Privacy Policy
  • ABOUT US
  • Contact Us
Wardeeqnews

Wardeeqnews

Wardeeq 24TV

  • Wararka
  • Caalamka
  • Xulka wararka
  • Barnaamijyada
  • Diinta
  • Home
  • Xulka wararka
  • Wararka
  • Qarax Ka Dhacay Muqdisho: Caasimada Soomaaliya oo La Beegsaday
Wararka
Qarax Ka Dhacay Muqdisho: Caasimada Soomaaliya oo La Beegsaday
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Aroornimadii hore ee Saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, jugta qaraxaan ayaa laga maqlay qaybo kamid ah Caasimadda.   Sida ay ku warrameen ilo kala duwan, qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid ka yimid gaari la shaaciyay in uu leeyahay...
  • Wararka

Qarax Ka Dhacay Muqdisho: Caasimada Soomaaliya oo La Beegsaday

Farxaan Yuusuf2 hours ago01 mins

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Aroornimadii hore ee Saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, jugta qaraxaan ayaa laga maqlay qaybo kamid ah Caasimadda.

 

Sida ay ku warrameen ilo kala duwan, qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid ka yimid gaari la shaaciyay in uu leeyahay sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya loona badinayo in lagu xiray inkasta oo aanay jirin warar faahfaahin oo Hay’adaha Ammaanka bixiyeen.

 

Lama sheegin khasaara uu gaystay qaraxaas, waxaana gaariga uu haleelay la sheegay in uu leeyahay Janaraal Cabdirisaaq Afgaduud oo katirsan Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo la tilmaamay in uusan la socon xiligii uu qaraxaas dhacayay.

 

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa ku dhaqaaqay baaris la xiriirta qaraxaas inkasta oo aanay jirin faahfaahin ay ka bixiyeen arrintaan maadaama Dadka Muqdisho muddo ugu danbaysay in ay maqlaan dhawaqa Qaraxyada.

Tagged: Qarax

Post navigation

Previous: Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho Muhiim ah ku Tegaya Itoobiya
Next: La-taliyaha Aqalka Cad ayaa sheegay in ‘gebi ahaanba’ uu diidayo maamulka AI-ga adduunka

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka maanta

Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho Muhiim ah ku Tegaya Itoobiya

Farxaan Yuusuf3 days ago 0

Cabdicasiis Lafta Gareen oo Shir Xasaasi ah La Qaatay Saraakiisha Koonfur Galbeed

Farxaan Yuusuf4 days ago 0

Hadaladii Kululaa ee Muuse Suudi ka Jeediyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo Fadhiya Yaab Geliyay

Farxaan Yuusuf4 days ago 0