Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax khasaare Geystay oo ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose
Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamo katirsan kuwa amisom
Waxaana lagu soo waramayaa in qaraxaan uu ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib uu dhacay iska hor’imaad dhexmaray xubno Katirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM ee qaraxa lala beegsaday
Ilo deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in mid ka mid ah gawaarida gaashaaman ee Ciidanka AMISOM uu qaraxu haleelay balse aysan xaqiijinkarin qasaaraha ka dhashay
Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxani iyagoona sheegay in qasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Amisom
War Alshabaab ay ku baahiyeen dhinaca intermeetka ayaa waxa ay ku sheegteen in saacadihii lasoo dhaafay ay qarax xoogaan deegaanka Shalaambood kula eegteen kolonyo gaadiid gaashaaman ah oo wateen ciidamada Amisom gaar ahaana kuwa yugaandha
Alshabaab ayaa sheegay in qarax ay ku dhinteen 3 sarkaal oo miina baarayaal ah.
Waxa Alshabaab intaasi ku dareen in qaraxa uu haleelay gaari qafilan oo ay la socdeen saraakiil caddaan ah iyo kuwa Yugaadheys ah balse lama oga in saraakiisha dhintay ay caddaan kamid yihiin