Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Qarax Khasaaro Dhaliyay Oo Ka Dhacay Shabeelaha Hoose

Qarax Khasaaro Dhaliyay Oo Ka Dhacay Shabeelaha Hoose

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax khasaare Geystay oo ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in lala eegtay kolonyo ay  wateen ciidamo katirsan kuwa amisom

Waxaana lagu soo waramayaa in qaraxaan uu ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib uu dhacay iska hor’imaad dhexmaray xubno Katirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM ee qaraxa lala beegsaday

Ilo deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in mid ka mid ah gawaarida gaashaaman ee Ciidanka AMISOM uu qaraxu haleelay balse aysan xaqiijinkarin qasaaraha ka dhashay

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxani iyagoona sheegay in qasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Amisom

War Alshabaab ay ku baahiyeen dhinaca intermeetka ayaa waxa ay ku sheegteen in saacadihii lasoo dhaafay ay qarax xoogaan deegaanka Shalaambood kula  eegteen kolonyo gaadiid gaashaaman ah oo wateen ciidamada Amisom gaar ahaana kuwa yugaandha

Alshabaab ayaa  sheegay in qarax ay ku dhinteen 3 sarkaal oo miina baarayaal ah.

Waxa  Alshabaab intaasi ku dareen in qaraxa uu haleelay  gaari qafilan oo ay la socdeen saraakiil caddaan ah iyo kuwa Yugaadheys ah balse lama oga in saraakiisha dhintay ay caddaan kamid yihiin

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...