Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Qarax- Xoogan Oo Lala Eegtay Masuul Ka Tirsan Jubbaland

Qarax- Xoogan Oo Lala Eegtay Masuul Ka Tirsan Jubbaland

Warar kala duwan ayaa  kasoo baxaya qasaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay magaalada kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka jubland

Qaraxaan oo lala beegsaday sida la sheegay mid kamid ah saraakiisha sirtoonka ee maamulkaasi jubaland ayaana ka badbaaday isku day dil oo lagu doonayay in lagu dilo masuul ka tirsanaa maamulkaasi jubbaland

Sarkaalka weerarkaan lala beegsaday ayaa waxa lagu magacaabayay nuunow calin baayoow kasoo la tilmaamay in uu si dirqi ah kaga bad baaday qarax lala eegtay

Waxaa jugta qaraxaan laga maqlay inta badan xafadaha magaalada kismaayo ee xarunta jubada hoose islmarkaaana waxaa gabi ahaanba bur buray gaarigii uu lasocday sargaalka lala beegsaday qaraxani wallow uu isagu sida lasheegay bad baaday

Dagaalamayaasha al shabaab ayaana shegtay masuuliyada weerarkani waxeyna al shabaab war ay ku dabeceen barahooda internetka ku sheegeen in ay iyagu kadanbeeyeen qaraxani oo ay la beegsaden gaari uu lasocday mid kamid ah saraakiisha nabad sugid ee maamulkaasi jublnd

Al-shabaab ayaa sheegay  in qaraxa uu haleelay gaariga sarkaalka la beegsaday hase ahaatee uu isaga si dirqi ah kaga badbaaday, balse uu goobta ku burburay gaariga mutadka la beegsaday.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale loogu beegsaday saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana uu weerarkani imaanayaa iyadoo magaalada kismaayo la sheegay in amaankeeda aad loo adkeeyay islamarkaana leysku yaariyay dooroshada xildhibaanada ka imaanaya maamulka jubbaland

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...