Qaraxyo lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Dowladda

0
87

Warar dheeraad ah waxay kasoo baxayaan qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay Ciidamo tirsan kuwa dowladda lagula eegtay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo

Qaraxyadaa oo gaarayay illaa 2 qarax oo culus ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Ciidamada Dowladda xili ay marayeen inta u dhaxaysa deegaamada Baarsanguuni iyo Singaleer ee duleedka magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa intaasi ku darayaan in qaraxyadaan ay geeysteen khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho dhaawac

Al-Shabaab wararka ay ku baahiyeen dhinaca intermeetka waxa ay ku sheegteen in weeraro qaraxyo ah ay labeegsadeen Ciidamada Dowladda qasaarana ay ku gaarsiiyeen

Waxa ay sheegeen shabaabku in qaraxyadaab ay ku dhinteen 2 askari oo ka tirsanaa Ciidanka Dowladda halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Majirto  wali wax war ah oo kasoo baxay maamulka jubbaland iyo Dowladda Faderaalka Ah oo looga hadlayo qaraxyadaan la sheegay in lagu dilay Ciidamo ka tirsanaa Dowladda

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here