Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka QM oo sheegtay in 7.7 milyan Soomaali ah ay u baahan doonaan...

QM oo sheegtay in 7.7 milyan Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar

Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee QM u qaabbilsan Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya isaga oo ay wehliyaan madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira iyo Caasha Siyaad oo ka mida aasaasayaasha Hindisaha Hogaamineed ee Haweenka Soomaaliyeed, isaga oo soo dhaweeyey horumarka ilaa hadda la gaaray waxa uuna boorriyey in si dhaqse ah loo dhameystiro doorashooyinka Golaha Shacabka.

Mudane James Swan waxa uu soo jeediyey in liiska kuraasta loogu qoodeeyey haween la baahiyo iyo in xaqiijinta qoondada boqolkiba 30 ee haweenka la gaaro; waxa uu ku carrabka ku adkeeyay in ka qeyb galka iyo metelaadda siyaasadda ee haweenku muhiim u tahay horumar iyo nabad waarta oo ay Soomaaliya hesho.

Dib-u-dhacyada socda ah ee geeddi-socodyada doorashada ayaa sii wada inay hakiyaan horumarradii laga sameeyay hortebinnada qaranka oo ay ka mid yihiin dowladnimada, ammaanka iyo horumarka, ayuu yiri Mudane James Swan Wakiilka Gaarka ah ee QM.

Xaaladda bini’aadamnimo ee Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u xun, waxaana u sii dheer colaado joogto ah, barakac iyo jahawareerka cimilada ayuu yiri Mudane James Swan Wakiilka Gaarka ah ee QM. Qiyaastii 7.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar bini’aadannimo sanadka 2022.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...