Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Qof Shacab Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Burco

Qof Shacab Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Burco

Nin lagu magacaabo Mustafe Axmed Cali oo 48 jir ah ayaa suuqa magaalada Burco ku toogtay nin la odhan jiray Cumar Cabdi Faarax oo 46 jir ahaa.Taliyaha booliska gobolka Togdheer gaashanle sare Maxamed Faarax, ayaa ka warbixiyay sida uu dilku u dhacay.

“Mustafe Axmed Cali oo 48 jir ah ayaa 9:30 subaxnimo suuqa Burco dhexdiisa ku toogtay marxuum la odhan jiray Cumar Cabdi Faarax oo 46 jir ah” ayuu yidhi.

Taliyaha ayaa sheegay in ay soo xidheen Mustafe Axmed Cali oo ku eedeysan falka dilka ah.

“Markii nalooso sheegay muddo ilaa 30 daqiiqo ah gudaheed, ayaanu ku qabanay gacan ku dhiiglihii” ayuu yidhi.

“Gacanta booliiska ayaanu ku hayna isla markaana waxaanu horgayn doonana sharciga” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ninka falka dilka ah ku eedaysan, ayaa baastoolad u adeegsaday dilka marxuumka.

Abdilahi Abdi Rahman,

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed