Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Sports-ka RASMI: Ruben Dias oo ku guuleystay abaal-marinta Laacibka Sanadka ee FWA

RASMI: Ruben Dias oo ku guuleystay abaal-marinta Laacibka Sanadka ee FWA

Daafaca kooxda kubadda cagta Manchester City ee Ruben Dias ayaa ku guuleystay abaal-marinta laacibka sanadka ee FWA fasal ciyaareedkan 2020-21.

FWA waa abaal-marin ay bixiyaan ururka qorayaasha Premier League ee ‘Football Writers’ Association’, kaasoo ay siiyaan laacibka sanadka ee horyaalka Ingiriiska.

Ruben Dias ayay Man City kala soo saxiixatay kooxda Benfica xagaagii la soo dhaafay, waxaana ay kula soo wareegeen Adduun dhan 64 milyan oo gini, kooxda Tababare Pep Guardiola ayuuna horraantii bishaan kula guuleystay horyaalka Premier League.

Dias ayaa helay codad badan si uu ugu guuleysto abaal-marinta FWA, waxaana uu ku garaacay abaal-marintan xiddigo ay ka mid yihiin laacibka khadka dhexe ee Manchester United Bruno Fernandes, Weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane iyo xiddiga ay Man City ka wada tirsan yihiin ee Kevin De Bruyne.

Ruben Dias Is Crowned FWA Footballer Of The Year After Helping Man City Win  The Title - CartEgg

24-sano jirkaan ayaa ku raaxaystay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey England, waxaana uu ciyaaray 48 jeer tartammada oo dhan, isagoo dhaliyey hal gool.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed