Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Rooble oo Amar deg deg ah siiyay laamaha Amniga

Rooble oo Amar deg deg ah siiyay laamaha Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay laamaha amniga, isaga oo faray xoojinta amniga guud ee waddanka gaar ahaan caasimadda Muqdisho .

Kulanka oo ka qabsoomay gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa  Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu  kula dar dardaarmay saraakiisha in ay xil gaar ah iska saaraan sugidda amniga doorashooyinka dalka ka bilowday.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliya Janeraal Xijaar, kuxiigeenkiisa Jeneraal Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud ( Qaroole) , Taliyaha qeybta Booliska Garoonka Aadan-Cadde & Xubno kale.

Kulankan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la qaatay laamaha Amniga dalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu u duulay Maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu ula kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyata

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...