Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Rooble Oo Amar Dul-dhigay Hay’adaha Amniga.

Rooble Oo Amar Dul-dhigay Hay’adaha Amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Hay’adaha Amniga in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado gaadiidka xamuulka ee badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horumariyo dhaqaalaha dalka.

Waxaa uu kula dardaarmay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda Shaqo bulshadana u adeegaan.

Amarkan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa yimid kaidb markii waddooyinka Muqdisho qaarkood ay xireen Gaadiidka xamuulka qaada oo badeecado kala duwan kasoo qaaday dekadda

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...