Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Rooble oo Mas’uuliyiin kula dukaday Masjidka Madaxtooyada

Rooble oo Mas’uuliyiin kula dukaday Masjidka Madaxtooyada



Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble  ayaa boqollaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday masjidka Shuhada ee ku yal madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed ay ugu wada ciidaan farxad iyo damaashaad.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Koobaad ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyay in sanadkaan sankiisa kale ay ku gaaraan Bashbash iyo Barwaaqo.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga dalka.

    



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...