Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Rooble oo si Dabacsan uga hadlay Dagaaladii Muqdisho Amarna siiyay Ciidamada Dowlada

Rooble oo si Dabacsan uga hadlay Dagaaladii Muqdisho Amarna siiyay Ciidamada Dowlada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaasi, oo lagu khalkhalgelinayey ammaanka caasimadda, iyadoo aan la dhawrin xurmadda bisha barakaysan ee Ramadan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadka iyo dhinacyada ku lugta lahaa rabshadahaasi ugu baaqay in nabadda la dhawro, isla markaana loo turo shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta. Mudane Rooble ayaa ciidanka ku adkeeyey inay ka hortagaan khatar walba oo lala damacsan yahay amniga.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku celiyey in xukuumaddu ay aaminsan tahay in wadahadal keliya lagu xallin karo arrimaha taagan, isagoo tilmaamay in dadaalada wadahadalada uu isagu horay u bilaabay ay xukuumaddu sii xoojin doonto. isla markaana uu ku raja-weyn yahay in dhammaan tabashooyinka jira guul iyo isfaham laga gaari karo.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay waxgaradka, culimada, bulshada rayidka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyaradu inay kaalintooda ka qaataan adkaynta nabagelyada iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

wardeeq news

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed