Monday, October 25, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka RW Rooble oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Muqdisho

RW Rooble oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga, Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta, Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa si dhow looga hadlay xaaladda amni ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Ra’iisal Wasaare Rooble uu masuuliyiinta faray in la xoojiyo amniga Caasimadda.

Rooble ayaa wada dadaalo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho, isagoo dhanka kalena wadahadalo la leh garabka mucaaradka

RELATED ARTICLES

Xukumada Somaliland oo dad horleh kasoo musaafurineysa degaanadeeda

Ciidamada Amaanka Ee Somaliland ayaa Saaka Magaaladda Ceerigaabo ka Bilaabay howlgal looga saarayo Magaalada dadka aan u dhalan Deegaankaasi ee ka soo jeeda Koonfurta...

faah faahin laga helayo Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaal  geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo...

Facebook ayaa ku guuldareysatay inay hubiso hadalada nacaybka, wararka been abuurka ah ee Hindiya: Warbixin

Facebook-ga Hindiya wuxuu doorbiday inuu xakameeyo hadallada nacaybka, wararka khaldan iyo qoraallada kiciya-gaar ahaan waxyaabaha ka soo horjeeda Muslimiinta-sida ku cad dukumiintiyada la dusiyey...