Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Sacuudiga oo joojiyay xujeydii dibadda ka soo xajin laheyd, sanadkan

Sacuudiga oo joojiyay xujeydii dibadda ka soo xajin laheyd, sanadkan

Dowladda Sacuudiga ayaa ka laabatay qorshihii ay sanadkan xujeyda ugu ogolaatay inay ka soo xajin karaan dalalka dibadda, sababo ku aaddan faafitaanka COVID-19, iyadoona ku soo koobtay in gudaha dalkaasi oo keliya laga soo xajin doono.

Wasaaradda Xajka & Cumrada ee Sacuudiga ayaa 23-kii bishii hore ee May ku dhawaaqday, iyadoo nafta bani’aadamka la ilaalinayo in lixdan kun (60,000) oo xujey ah ay sanadkan gudan doonaan acmaasha Xajka (10 kun oo gudaha iyo 50 kun oo dibadda ah).

Hase ahaatee Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Xajka, Abdel Fatteh Mashath ayaa maanta ku dhawaaqay in Xajka sanadkan 1442 Hijriyada (2021) uu ka koobnaan doono dadka degan dalkaasi iyo muwaadiniinta Sacuudiga u dhashay oo keliya.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay in tirada xujeyda ee sanadkan lagu soo koobay lixdan kun (60,000), iyadoo dadka gudanayana ay tahay inay da’doodu u dhaxeyso 18 illaa 65 jir, kuwaa oo ay khasab tahay inay qaataan tallaalka COVID-19.

Abdel Fatteh Mashath ayaa yiri “Sida uu qof kastaa ogyahayba qaabka Xajku u dhacaa waxaa weeyaan inuu yahay acmaal dhacda xilliyo gaar ah, oo ka dhacda meelo gaara. Sidaa awgeed waxaa lama huraan ah in la ilaaliyo oo la raaco xeerarka ugu sareeya, qaababka faya-dhowrka guud iyo caafimaadkaba. Markaa maamulku waxa uu garowsaday in sanadkan lagu koobo tirada dadka xujeyda lixdan kun (60,000) oo qof oo keliya, si loo ilaaliyo faya-qabka iyo caafimaadka dadka xujeyda ah, iyadoo weliba la eegayo duruufaha maanta ka jira dunida.”

Tani ayaa noqonayso sanadkii labaad oo xiriir ah oo aanay Muslimiinta ka soo xajin meel ka baxsan Sacuudiga.

Sanadkii hore ee 2020 ayaa waxaa acmaasha xajka gudatay toban kun (10,000) oo qof oo keliya, kuwaa oo dhammaantood ka soo xajay gudaha dalkaasi. Kun ka mid ah dadkaasi ayaa ahaa muwaadiniinta Sacuudiga, halka sagaalka kun ee kalena ay metelayeen wadamada kale ee Islaamka.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed