Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Sagaal qof oo ay ka mid yihiin toddoba carruur ah oo ku...

Sagaal qof oo ay ka mid yihiin toddoba carruur ah oo ku geeriyooday Muqdisho



Iyadoo saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uu ka da’ayay roob xooggan, ayaa waxaa uu khasaare u geystay qoysas danyar oo deggan xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho halka ay dumeyn guryo badan.

Guri ku yaalla Xaafadda Buula-xubey ee Degmada Wadajir ayaa daad ku fatahay waxa uu galaaftay nolosha 9 qof, oo ay 7 kamid ah yihiin carruur, sida ay xaqiijiyeen Dadka deegaanka.

Geerida carruurtaan ayaa timid kadib markii Biyaha Roobka ay ka sare mareen guryo ay ku jireen oo dhagax ka sameysan balse dhul ahaan ka hooseeya waddooyinka biyo mareenada ah sidaasna daadka ugu rogmaday.

Gurmad ay sameeyeen qoysaska deriska la ah dhibbanayaasha ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan caruurta qaar, waxaana socda dedaal biyaha ay uga saarayaan Hoygooda si ay dib u deegaansadaan.

Dhibaatada ugu weyn ayaa ka dhalatay war soo fatahday, taasi oo saameysay xaafado kamid ah Buula-Xuubey, waxaana Dowladda hoose lagu eedeeyey inay ka jifatay wax ka qabashada wartaas oo sanad kasta marka xilli roobaadka la gaaro dhibaato u geysato dadka deegaanka.

Muqdisho marka uu roobka da’o waxa uu saameynta ugu weyn ku reebaa qoysaska barakacayaasha ah, kuwa degen Guryaha qadiimiga ah & xaafadaha ka dhaw meelaha biyo mareenada ah, halka waddooyinka qaar isu socodkooda uu joogsado.

 



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...