Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon xabsiga loo taxaabay kiisas xasaasi ah

Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon xabsiga loo taxaabay kiisas xasaasi ah

Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ayaa sheegaya in goordhoweyd ciidamada Somaliland ay xabsiga u taxaabeen Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ah suxufi ku caan baxay arrimaha samafalka.

Sida ay ilo xogagaal ah u sheegen wardeeqnews, Cabdimaalik Coldoon ayaa waxay ciidamada booliska Somaliland ka soo xireen xili uu ku sugnaa xafiiskiisa gaarka ah ee magaalada Burco.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Cabdimaalik uu hadda ku xiran yahay saldhiga dhexe ee magaalada Burco.

Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa xarigiisa, ayaa haddana waxaa maalmihii u dambeeyay taagneyd xiisad ka dhex aloosneyd Cabdimaalik iyo iskuulka Abaarso, oo uu soo fara-geliyay madaxweynaha Somaliland oo sheegay in iskuulkaas uu yahay mid ka madhan eedeymaha loo jeedinayo ee ah faafinta dhaqano lidi ku ah diinteena suuban, xili uu sheegay inuu booqasho ku tegay soona hubiyey.

Cabdimaalik oo ka fal-celiyay hadalka Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha isku dayayo inuu dabool saaro xaqiiqada dugsigaas, oo kal horena loo xiray arrintaasi Coldoon.

Sidoo kale, Coldoon ayaa muddooyinkii dambe dhaleeceyn xoogan u jeedinayay xarunta dhaqanka ee Hargeysa, taasi oo sidoo kale uu ku sheegay inay faafiso waxyaabo ka dhan ah dhaqankeena iyo diinteenaba.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Hoggaamiyayaasha gobollada Soomaaliya ayaa ku boorriyay in la joojiyo loolanka awoodda

Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni...

Twitter Feed