Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Sawero- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay odayaasha Degmada Waajid

Sawero- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay odayaasha Degmada Waajid

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa xalay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa hoyga uu ka degan yahay degmadaasi ku qaabilay Odayaasha Dhaqanka, oo uu kala hadlay xaaladda degmada.

Degmada Waajid ayaa waxaa ka jirta xaalad adag oo ka dhalatay go’doominta ay degmadaasi ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Odayaasha ayaa Madaxweynaha u sheegay tan iyo markii la qabtay degmadaasi, sanadkii 2014 inay Shabaabku ku hayeen go’doomin, taasoo ay xoojiyeen billihii la soo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa kulanka ka sheegay in uu jiro qorshe uu maamulkiisu dib ugu furaayo wadooyinka xiran, go’doomintana looga saarayo degmadaasi.

Madaxweynaha oo Sabtidii shalay gaaray degmadaasi ayaa ka sheegay in la isku furi doono Waajid iyo Baydhabo, Waajid illaa Xudur, sida uu yiri.

Tan iyo daba-yaaqadii sanadkii hore ayaan waxaan degmadaasi imaan gaadiidkii sida qarsoodiga raashiinka ku soo gelin jiray, ka dib markii ay Shabaabku kordhiyeen xeeladooda go’doominta.

Shabaabka ayaa wadooyinka soo gala Degmada Waajid ku gubay gaadiid u rarnaa ganacsato deegaanka ah, sababtuna tahay iyagoo u arka kuwa jebiyay awaamiirtoodii.

May be an image of 1 person and sitting

May be an image of 4 people, people sitting and indoor

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 1 person and sitting

May be an image of one or more people, people standing and outdoors

May be an image of 1 person, beard and standing

May be an image of 1 person, sitting and indoor

May be an image of one or more people, people sitting, people standing, motorcycle and outdoors

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed