Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Sawero, Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho

Sawero, Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir Abdille Mohamed oo kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada lagu ballansanyahay inay dhacdo dhammaadka sannadkan.

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir oo u tartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016 ayaa haddana markale u taagan tartankaas, iyadoo uu wado olole aad u ballaaran oo ku doonayo inuu ku hanto kursiga looga arrimiyo Soomaaliya ayaa dadka wax falanqeeyaa ay ku tiriyaan inuu yahay musharaxiinta ugu miisaanka culus.

Waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyey Musharaxa masuuliyiin ka tirsan Dowladda , Ganacsato, Waxgarad, Oday dhaqameedyo, dhallinyaro iyo haweenka ku nool caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo loosii galbiyey xarunta ololaha Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir isla markaasna dhex lugeeyey taageerayaal aad u farabadan oo oo sitay boodhadh ay ku qoranyihiin hadallo soodhaweyn iyo taageero musharaxnimadiisa ku saabsan.

Wuxuu Musharaxu kula hadlay xarunta ololaha taageerayaasha Xisbiga Gurmad iyo dadweyne kale oo kasoo qeybgalay soodhaweyntiisa wuxuuna sheegay inuu sannadka filayo in dalka ay ka dhici doonto isbedel  iyo doorasho uu rajeynayo inay Shacabka Soomaaliyeed dhibka ka saari doonto.

RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed