Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka SAWIRO:- Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Suuqa Boosaaso oo kordhay

SAWIRO:- Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Suuqa Boosaaso oo kordhay

Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari , ayaa qabsadey xaley dab weyn, kaasoo ka dhashey korontada.

Dabka wuxuu si gaar ahaaneed u qabsadey qeybta Bagaashka, iyadoo waxyeello uu u geystay afar guri oo waa weyn.

Meheradaha ayaa ku dhex yaalla dhismayaashan waa weyn, uu dabku khasaaraha gaarsiiyey, waxey gaarayaan illaa lixdan.

Ma jirto illaa iyo haatan sida wararku sheegayaan dhimasho iyo dhaawac ka dhashey dabkan. Dabkan ayaa socdey muddo gaareysa illaa iyo laba saacadood.

Dabkan ayaa kacey xaley, iyadoo illaa iyo haatan aan la qiyaasi Karin waxyeeladda inta ay la’eg tahay.

Goobta ay waxyeelladu ka dhacdey ayaa gaareysa masaafo dhan illaa iyo 500m. Suuqa balaciisa ayaa gaaraya illaa iyo 4km.

   

RELATED ARTICLES

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay koonfurta Lubnaan

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee Lubnaan ka dib markii maalintii labaad gantaal laga soo...

Twitter Feed