Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Senator Bukhaari "Farmaajo dalka ayuu dib ugu celinayaa xilligii ku-meel-gaarka"

Senator Bukhaari “Farmaajo dalka ayuu dib ugu celinayaa xilligii ku-meel-gaarka”

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa si kulul u weeraray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gudoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare ayaa sheegay afartii sano ee Madaxweyne Farmaajo uu xilka haayay in uu waxyeeleeyay mabaadi’da aasaasiga u ah qaranka.

“Muddo afar sano ah oo uu Madaxweyne ahaa, Maxamed Farmaajo waxaa uu nijaaseeyay mabaadi’da aasaasiga ee qarankeenna, wuxuu si ba’an u wiiqay Baarlamaanka Federaalka, wuxuu u gudbay dagaalka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo si xun u dhaawacay ruuxda, madax-bannaanida iyo hanka qarankeenna, wuxuuna baabi’iyay himilooyinkii Soomaalida ee mustaqbal wanaagsan.” Ayuu yiri Senator Abshir Maxamed Axmed.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynuhu ku eedeeyay in uu kala qaybiyay beelaha Soomaaliyeed, isla-markaana uu dalku dib ugu celinayo xilligii ku-meel-gaarka.

“Farmaajo wuxuu kala qaybiyay qabaa’ilkii la heshiisiiyay, laamaha amniga wuxuu hoos geeyay askarta, si ay u aamusiyaan kuwa isaga ka soo horjeeda, oo ay u taageeraan kali talisnimadiisa. Wuxuu Somaliya ka dhacay hankii dowladnimo iyo inuu dalka dib ugu soo celiyo xilligii ku-meel-gaarka ee Cabdiqaasim, isagoona doortay inuu noqdo kaligii taliye.” Ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Abshir Bukhaari ayaa yiri “Wuxuu cambaareeyay taageerayaasha dalka ugu dhow, laakiin ugu dambeyntii waxa uu ku baaqayaa wax ka qabashada shisheeyaha. Somaliya khasaaro ayay ku jirtaa, balse waa inay mar kale kacdaa.”

Senator Bukhaari ayaa warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka dadweynaha.

wardeeq news

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed