Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Sports-ka Sergio Aguero oo ka jawaabay wararka xanta ah ee la xiriirinaya Kooxda...

Sergio Aguero oo ka jawaabay wararka xanta ah ee la xiriirinaya Kooxda Barcelona

Weeraryahanka Kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa ka hadlay wararka xanta ah ee sheegaya inuu ku biiri karo naadiga reer Spain ee Barcelona.

Sergio Aguero, kaasoo beeca xorta ah kaga tagi karo kooxda Manchester City dhammaadka xilli ciyaareedkan ayaa waxaa soo baxay warar la xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono Caasimadda Catalan.

Xiddiga kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa hoos u dhigay wararka xanta ah ee la xiriirinaya inuu u dhaaqi doono horyaalka La Liga, isla markaana uu ka mid noqon doono naadiga Barcelona.

Aguero ayaa heshiiskiisa haatan waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana jira in gooldhaliyaha ugu sarreeya Man City uusan weli heshiis cusub u saxiixin kooxda hoggaaminaysa horyaalka Premier League.

Warar xan ah oo soo baxay ayaa sheegayay in Aguero u heshiis horudhac la gaaray Madaxweynaha cusub ee Barca, Joan Laporta si uu garoonka Camp Nou ugala biiro saaxiibkiisa ugu dhow ee Lionel Messi.

Aguero oo ay dhaawacyo hareereeyeen ayaa u dagaalamaya weli inuu dib u helo booska safka koowaad ee kooxda Tababare Pep Guardiola xilli ciyaareedkan, arrintaas ayaana sii xoojisay wararka xanta ah ee la xiriirinaya kooxda reer Spain.

“Waxa ay dhammaan wada qorayaan Barça, Barça, Barça,” ayuu yiri Weeraryahanka reer Argentina ee 32-sano jiraan sida laga soo xigtay Twitch.

“Suga bal wax yar, aan eegno, joog bal, waxaan weli la jiraa Man City.” ayuu hadalkiisa ku daray Aguero.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed