Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dunida SHACABKA ISREAL OO LOOGA DIGAY IN AY BOOQDAAN DHAWR DAL.

SHACABKA ISREAL OO LOOGA DIGAY IN AY BOOQDAAN DHAWR DAL.

Israa’iil ayaa shacabkeeda ugu digtay inay u safraan dalalka Imaaraatka Baxrayn, Turkiga iyo waddamo kale sida ay warbaahintu kusoo waramayso Golaha Amniga Qaran ee Israa’iil ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in bilihii inna dhaafay ay kooxo reer Iran ah ku hanjabeen inay bartilmaameedsan doonaan danaha Israa’iil.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in bishii January qarax yar uu ka dhacay duleedka safaaradda Israa’iil ee New Delhi, kaas oo ay masuuliyiinta Hindiya u aaneeyeen Iran.

Golahan ayaa hoosta ka xarriiqay inuu aaminsan yahay in Iran ay sii wadi doonto iskudayada ay mustaqbalka dhaw ku bartilmaameedsanaysoo danaha Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil iyo Iran ayaa is waydaarsaday eedaymo la xidhiidha weerarro Dhawr ah.
Tahrana ayaa bishii hore ballan qaaday in u aargudi doonto khabiirkeedii nukliyeerka Muxsin Fakhri Zadah, kaas oo lagu dilay shirqool lagu eedeeyey Israa’iil iyo Maraykanka.

By:Jim’ale Ismail

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...