Iyadoo caalamka ay ku soo badanayaan deegaannada iyo gobollada ka go’aya dalal ay ka tirsanaayeen, si ay u noqdaan waddamo gaar ah, haddaba ma is weydiisay waxa keli ah ee looga baahan yahay si loo aqoonsado.
Adiga xitaa haddii aad dooneyso in aad dal kuu gaar ah sameysato, waxaad u baahan tahay arrimahan hoos ku qoran. Waxaa sidoo kale jiro kuwa la qiimeyn doono, sida Calanka, Heesta Qaranka iyo lacag aad ku sawiran tahay.
Ka dib maxaad u baahaneysaa? Aasaaska dal cusub ma ahan mid fudud, haddii arrimahan lagaa waayo:
1: Xaqiiji in aad u qalanto in dal aad sameysato
Si aad u hesho dal kuu gaar ah oo madaxbannaan, haddaba shuruucda caalamiga ah wax shardi ah oo muuqda ama cad kuma aysan xirin – noqoshada qaran gaar ah.
Waxaa suuragal ah in aad dhul haysato. Balse waa in aad heshaa shacab dhulkaas ugu nool si joogto ah oo sharciyad u leh.
Sidoo kale waa in aad leedahay dowlad (fulin, sharci dejin iyo ciidamo). Waa in aad xiriir la leedahay waddamo kale.
Qodobkan waa mid weli uu muran badan ka taagan yahay waana sharci ay UN adeegsatay 1933-dii, balse maka mid ahan shuruucda caalamiga ah ee qarannimada.
2: Ku dhawaaq madaxbannaani
Markaas waxaad mudan tahay in laguu hambalyeeyo – waxaad ku biireysaa dalalka madaxbanaani ku dhawaaqay ee dowladaha u gaarka ah sameysay.
Balse waxaad u diyaargaroobeysaa in dhacdooyiin waaweyn oo caalami ah aadan qeyb ka noqon doonin, sida shirka Qaramada Midoobey, ciyaaraha Adduunka (nooc kastaba), shirarka dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah, kulamada maalgashiga iyo wixii la mid ah.
Isla marka aad ku dhawaaqdo xuriyadda, dalal badan ayaan si dhab ah u qaadan doonin arrintaas, waxayna kugu qaadan kartaa sannado badan in aad aqoonsi hesho.
Balse waxaa jiro fursado iyo faa’idooyiib badan oo aad flian doonto, xitaa haddii aan lagu aqoonsanayn.
Waxaad heleysaa u madaxbannaani dhuleed iyo waxyaabo kuu gaar ah oo lagugu xushmeeyo oo aad u madaxbannaan tahay, sida uu sheegay Stefan Talmon, OO sharciga Caalamiga ah ee Shacabka ka dhiga Jaamacadda Oxford, sidoo kalena qoray bug ka hadlaya Aqoonsiga Caalamiga ah.
Tusaale ahaan, arrintan waa sida ay aqoonsiga ku kala go’een Kosovo iyo Serbia.
Sidoo kale waxaa jiro sharci Caalami ah oo Qaramada Midoobeey ay uga hortageyso in dalalka doonaya madaxbannaanida aysan awood ciidan iyo dagaal kala kulmin kuwa ay ka go’ayaan.
3: Aqoonsi Caalami ah hel
Aqoonsiga ugu muhiimsan waa in dal ahaan laguu aqbalo, xubinna aad ka noqoto UN.
Balse haddii aad hesho waddamo kuu tixgelinaya sida dal kale oo xiriir dhaqaale iyo siyaasad uu idiin dhexmaro, waa faa’iido ballaaran. Waxay muujineysaa jiritaankaaga in la og yahay.
Aqoonsiga Caalamiga ah waa waxa dal uu ku helayo sharciyad iyo awood uu heshiisyo caalami ah ku saxiixo. Haddaba, sida dabiiciga ah waa in wax lagu qanci karo aad la timaado.
Aqoonsiga xoogaa wuu dhib badan yahay wuuna adag yahay, sababtoo ah waxaa ku wareegsan xeerka caalamiga ah, iyo siyaasadda caalamiga ah, sida uu Talmon sheegay.
Dadka qaar waxa sheegaan in aqoonsiga uu si cad u yahay mid siyaasadeysan. Wuxuu ku xiran yahay aqoonsiga aad ka hesho dalka aad ka go’eyso iyo sida aad ula heshiiso, markaas ayay dalalka kale ee caalamka ku aqoonsan karaa.
Sababta ugu wayn waxay tahay in dalal badan aysan dooneynin in ay xumeeyaan xiriirka kala dhexeeya dalka aad ka soo go’day ee aad ka madaxbannanaatay, sidaa darteed, way adkaaneysaa in ay ku aqoomnsadaan.
Mararka qaar, iyadoo siyaasadda dal kale lagu dhibateynayo ayey dalal awood leh Aqoonsi siiyaan gobol ka soo go’ay dal kale.
Arrinta in ay siyaasad tahay waxaa kuu muujinaya Waqooyiga iyo Koonfurta Vietnam, Waqooyiga iyo Koonfurta Kuuriya, Bariga iyo Galbeedka Jarmalka, Shiinaha iyo Taiwan. Waxayna ku xiran tahay dhinaca aad isbeheysi la tahay.
Xitaa maanta waxa jiro gobollad ay dalal waaweyn u aqoonsan yihiin sida waddamo caalami ah. Waxaa ka mid ah Falastiin, Taiwan iyo Waqooyiga Qubrus. Waxay aqoodaan in ay kulamo caalami ah ka qeybgalaan.
Tusaale, Mareykanka oo ah dalka ugu dhaqaalaha badan xilliga, ma lahan shuruuc gaar ah oo aqoonsiga dal ku xiran.
Madaxweynaha ayaa go’aansada in waddan uu la yeelanayo xiriir diblumaasiyadeed, iyadoo la eegayo danaha Qaran ee Mareykanka.
Haddaba, haddii aad madxweyne Mareykan ah aad si wanaagsan ugu sharaxdo waxa dalkiisa uu ka faa’idayo madaxbannanidaada, si fudud ayaad ku heli kartaa aqoonsi.
Mararka qaar waxaa dhici karta in lagu waydiisto in aad shuuciyadda iska suuliso, la dagaasho Ruushka iyo Shiinaha, sida dalka Kosovo uu sameeyay – weli lama hubo in taas ay ku caawineyso.
4: Ururka ka mid noqo
Tan iyo markii la aasaasay, 1945, Qaramada midoobeey in xubin laga noqdo waxay ahayd arrin dahabi ah oo fursad wayn ah, waana taageerada Sharci ahaanta caalamiga ah.
Marka laguu ogolaado in aad xubin ka noqoto Qaramada Midoobeey, taas waxay la mid tahay aqoonsi, ayuu yiri Talmon. Waa sida saxiix kuu sheegaya in aad ka mid tahay Beesha Caalamka.
In aad dalbato xubinnimada UN waa sida hammi wayn. Sida sharciga Qaramada Midoobeey uu qabo, si aad u codsato, waxaad warqad u qoreysaa Xoghayaha Guud ee UN, adigooo dalbanaya in xubin lagaa dhigo.
Warqadda codsiga waa mid fudud oo kooban. Waxaad tusaale ahaan u eego kartaa application of Montenegro, ee ka mid ah kuwii ugu dambeeyay ee Qaramada midoobeey loo diray.