Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Sidee Ayuu uga Baxsaday Maxbuuskii Ku Xukunaa Dilka Toogashada Xabsiga Magaalada Qardho?

Sidee Ayuu uga Baxsaday Maxbuuskii Ku Xukunaa Dilka Toogashada Xabsiga Magaalada Qardho?

Taliska ciidanka Asluubta dowlad goboleedka Puntland ayaa faah faahiyey sida uu u baxsday Axmed Cabdi Jaamac oo ku xirnaa xabsiga magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, kuna xukunaa, xukun dil toogasho ah.

Afhayeenka ciidanka Asluubta oo lagu magacaabo, G/lle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in maxbuuska oo ay soo wajahday xaalad caafimaad uu u baahday daryeel caafimaad oo ka baxsan xabsiga kadibna marka la waday uu baxsaday.

Xirsi ayaa sidoo kale xusay in tuhun ay ka qabaan saraakiishii iyo ciidankii loo xil-saaray soo daaweynta maxbuuska fakaday, isaga oo tilmaamay inay dayacaad sameeyeen.

“Xukumane Axmed Cabdi Jaamac oo u xirnaa dil toogasho ah ayaa arrimo caafimaad loogu qaaday Isbitaalka guud si loo daweeyo, saraakiil ayaa loo xilsaaray howshaas balse way la garab mareen oo afka ayay la galeen ciidan hubeysan oo u diyaarsanaa, markii aan baaris dheer sameynay waxaa inoo caddaatay in dayacaad la sameeyay”ayuu yiri Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi  oo afhayeenka ciidanka Asluubta Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la xiray saraakiishii loo xil-saaray caafimaadka maxbuuska , sidoo kalena lagu raad joogo mid ka mid ah askartii waday maxbuuska oo maqan..

“Waxaa dhici karto in qaarkood ay xiriir la leeyihiin Raggaas hubeysnaa, waxaa maqan mid kamid ah ciidankii waday Maxbuuska balse waxaa xiran saraakiishii mas’uulka looga dhigay in ay isbitaalka geeyaan xukmanaha dibna ugu soo celiyaan Xabsiga ” ayuu yiri.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso ay ka baxsadeen qaar ka mid ah maxaabiistii ku jirtay, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo si gaara u beegsaday xasbigaasi.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed