Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Sports-ka Sir Alex Ferguson Oo Kashifay Anshax Xumadii Wayne Rooney & Falalkii Uu...

Sir Alex Ferguson Oo Kashifay Anshax Xumadii Wayne Rooney & Falalkii Uu Ku Kici Jiray Ee Uu Ka Reebi Waayay

Sir Alex Ferguson Oo Kashifay Anshax Xumadii Wayne Rooney & Falalkii Uu Ku Kici Jiray Ee Uu Ka Reebi Waayay

Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in xiddigii hore ee Manchester United Wayne Rooney inuu ahaa mid khamriga si xun u caba oo aan maareyn karin.

Tababaraha ciyaaraha ka fariistay oo 79 sanno jir ah ayaa u sheegay saaxiibkiis Alastair Campbell inuu sidoo kale awood u yeelan waayay inuu ka celiyo ciyaaryahanka inuu gogol dhaaf sameeyo.

Sir Alex ayaa la kulmay Alastair sannadkii 2010 maalmo ka dib markii ay soo baxday in Rooney oo xaas leh uu kun ginni kula seexday gabar jirkeeda ka ganacsata.

Alastair ayaa buug cusub uu qoray wuxuu ku yiri: “Waxaan Sir Alex ka wadahadalnay Rooney. Wuxuu ahaa mid ka niyadjabsan ciyaaryahanka. Wargeysyada waxay si buuxda wax uga qorayeen Rooney iyo dumarka jirkooda ka ganacsada ee uu la seexday. Waxaan ku iri, ‘maxaad ka yeeleysaa isaga?’

“Wuxuu iigu jawaabay, ‘maxaan ka yeeli karaa? Sidoo kale waa nin khamri cabista ku waalan islamarkaana aan xamili karin khamriga’.”

Alastair oo 63 sanno jir ah ayaa sidoo kale shaaciyay in Sir Alex uu ka baqayay in ciyaartoy badan ay ka tagaan United sababo la xirira dabeecad xumada Rooney.

Wuxuu qoray: “Sida uu ii sheegay Sir Alex, Rooney wuxuu ka careysiin jiray ciyaartoyda kale isagoo isku dayaya inuu koontaroolo.”

Rooney oo 35 sanno jir ah haatan ayaa tababare ka ah kooxda Derby County ee heerka laabad, waxaa la weydiiyay inuu ka jawaabo hadaladaan, laakiin jawaab kama uusan bixinin.

RELATED ARTICLES

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Ciidanka Xooga Oo Hawlgalo Ka Fuliyay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay  howgallo ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali...

Facebook Feed

Twitter Feed