Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Somaliland Oo Loogu Deeqay Qalab Loo Adeegsado Hubinta Codbixiyaha

Somaliland Oo Loogu Deeqay Qalab Loo Adeegsado Hubinta Codbixiyaha



Qalab farabadan oo loo adeegsado hubinta Cod bixiyaha ee loo yaqaano Biometrics Voter Verification System ayaa waxaa Taiwan ay maalintii shalay oo sabti aheyd ku wareejisay Somaliland.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Taiwan ay ku leedahay Hargeysa ayaa waxaa lagu sheegay in qalabkaan oo ah 2500 xabo oo loo adeegsado hubinta Cod bixiyaha loo isticmaalayo hubinta iyo xaqiijinta astaamaha jiheed ee Codbixiyayaasha doorashooyinka ka dhacaya Somaliland.

Taiwan ayaa tilmaamtay inay taageersan tahay doorashada Somaliland, isla markaana waxaa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay kala shaqeeyaan Arrimaha doorashada, waxaana Somaliland ka mahadcelisay qalabkaan casriga ee lagu wareejiyay.

“Somaliland waa waddankii ugu horeeyay ee is ticmalay tiknoolajiyada aqoonsiga indhaha doorashadii 2017, maantana qalabkan IBVVS oo la jaanqaadaya, qalabka aqoonsiga indhaha waa guul la gaaray taariikhda doorashada adduunka” ayaa lagu yiri Qoraalka Taiwan.

Sidoo kale ayaa waxaa intaas Qoralka lagu sii daray ” Taageerada Taiwan ee doorashooyinka Somaliland waa in la muujiyo in dimuquradiyadu tahay luuqadeena, xiriyaduna tahay u jeedkeena guuud”.

Qalabkaan ay Taiwan ugu deeqday Somaliland oo loo isticmaalo diiwaan-galinta iyo xaqiijinta codbixiyaha ayaa ah qalab sahlaya in uu aqoonsado astaamaha jiheed ee codbixiyaha sida indhaha qofka, waxaana la xusay in qiimahiisu yahay 2 milyan oo dollar.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...