Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Soomaaliya & Caalamka oo Maalintii 1aad laga Ciidayo

Soomaaliya & Caalamka oo Maalintii 1aad laga Ciidayo



Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa siweyn looga Ciidayaa dalal badan oo kamid ah Caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya, kadib markii shalay oo Arbaco aheyd ay dhameystireen 30-ka Bisha Ramadaan, halka degaannada ay Maamulaan Al-Shabaab laga ciidayay.

Meelaha  Maanta ay u tahay Maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga ayaa waxa kamid ah Magaalada Muqdisho inta badan Maamul Goboleedyada & degaannada Somaliland,kuwaas oo saaka siweyn laga dareemayo Ciida.

Sidoo kale wadamo badan oo kamid ah kuwo Caalamka ayay Maanta u tahay Maalinta koobaad ee Ciida, waxaana jiray Afal dal oo Afrikaannah, kuwaas oo shalay Ciiday, halka inta badan dalalka Reer Galbeed oo Muslimiinta ku nool ay shalay Soomanaayeen.

Soomaaliya ayaa sanadkaan 2021 waxaa ay u aheyd sanad la isku khilaafay Maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga, kadib markii  Al-Shabaab ay iclaamiyeen inay shalay oo Arbaco aheyd tahay Maalinta koobaad ee Ciida halka dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in Khamiista Maanta ah ay tahay Maalinta Kobaad ee Ciida.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...