Friday, May 7, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida Madaxweyne Magufuli

Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida Madaxweyne Magufuli

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray shacabka iyo dowladda dalka Tansaaniya geerida ku timid Madaxweynihii dalkaas Mudane John Pombe Magufuli.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweyne Kuxigeenka dalkaas Marwo Suluhu Samia iyo Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynuhu Marwo Janet Magufuli.

John Pombe Magufuli, wiilka nin beeralley sabool ahaa, isla markaana noqday madaxweynaha Tanzania sanadkii 2015, ayaa geeriyooday isaga oo jira 61 sano. Waxaa mar lagu ammaanay hannaankiisii Ciidmada waxyaabaha uu micnodarrada u arkayay, wuxuu noqday hoggaamiye hadalladiisu ay ahaayeen kuwo muran dhaliya, gaar ahaan sidii uu uga jawaabay xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Waxaa mar labaad la doortay sanadkii 2020 iyadoo ay jirtay in mucaaradku ay ku eedeynayaan ku shubasho iyo hanjabaad.

Kahor inta uusan madaxweyne noqon waxaa lagu naaneysi jiray “baaldoosarka” sababo la xiriira inuu horkacayay barnaamij waddooyin lagu dhisayo isagoo markaas ahaa wasiirkii shaqada, markii dambena waxaa lagu ammaanay sida uu uga soo horjeestay musuqmaasuqa iyo sida uu u necbaa khasaarinta ama beerdareynta lacagta.

RELATED ARTICLES

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degmada Ceelwaaq oo ka tirsan Gobolka Gedo ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka...

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay dad u dhintay Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaaxogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 247 xaalado cusub...

Korneyl Doolaal oo maanta XABSIGA laga sii daayey

Jaamac Doolaal oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga Somaliland oo 11-kii bishii April 2021 ay xukun ku riday Maxkamadda Ciidamada Millatariga Somaliland ayaa...

Facebook Feed

Twitter Feed