Duqa Magaalada Baraawe oo Maanta Dib ugu Soo Noqday Degmada
Guddoomiyaha Degmada Baraawe ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baraawe, kadib safar shaqo oo uu maalmahan ku maqnaa. Guddoomiyaha ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Baraawe saraakiisha amniga degmada, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo haweenka degmada. Imashaha Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha cusub ee Nabad Sugidda Degmada Baraawe, Taliye Maxamed Cumar Maxamed, oo isna si rasmi ah ula yimid Guddoomiyaha, taasoo muujinaysa xoojinta wada shaqeynta amniga iyo maamulka degmada. Mas’uuliyiinta iyo bulshada soo dhaweynta ka qeyb…
