Fadeexadda Epstein: Diblomaasi Hore oo Norway ka Tirsanaa oo ka Soo Dhex Muuqday Faylasha
Diblomaasi hore oo ka tirsanaan jiray dowladda Norway, Terje Rod-Larsen, ayaa lagu eedeeyay inuu door muhiim ah ka ciyaaray sidii maalqabeenka Mareykanka Jeffrey Epstein ugu heli lahaa marin uu kula xiriiro madax iyo shaqsiyaad miisaan culus ku leh siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka. Eedeymahan ayaa soo baxay kadib markii la sii daayay malaayiin dukumeenti oo la xiriira baaritaannadii lagu hayay Epstein, kuwaas oo iftiimiyay xiriirro ballaaran oo uu la lahaa dad caan ah oo dunida ah. Rod-Larsen iyo xaaskiisa Mona Juul, oo iyaduna ah diblomaasi sare oo Norweji ah, ayaa magacyadooda si gaar ah loogu xusay dukumeentiyada la shaaciyay….
