Xiisad Siyaasadeed: Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka falceliyay tallaabadii lagu hor istaagay hoggaamiyeyaasha mucaaradka
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay is hortaag ay sheegeen in ciidamada ammaanku ku sameeyeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo ka qayb geli lahaa kulan Golaha Mustaqbalka oo ay xalay ku lahaayeen Hotel Airport oo ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaas oo looga arrinsanayey diyaar garowga wada xaajoodka la filayo in uu dhex maro Dowladda Federaalka ah iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Golaha Mustaqbalka waxay sheegeen in ay ka go’an tahay ka qaybgalka wadahadalada lagu jaangoynayo jihada siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan in heshiis loo dhan yahay laga…
