Wasiirka Amniga K/Galbeed oo Dardargeliyay Qorshaha Sugidda Amniga Baydhabo
Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Hassan Abduqaadir Mohamed, ayaa Gudoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey xaqiijinta iyo xoojinta amniga magaalada Baydhabo. Shirka oo ay ka qeyb galeen Gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo saraakiisha laamaha ammaanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta qorsheyaasha sugidda amniga, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan, iyo ka hortagga falalka lidka ku ah nabadgelyada. Wasiirka ayaa faray laamaha ammaanka in ay laba laaban dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada si loo helo xog sugan oo ka hortagta khataraha amni. Waxa uu sidoo kale adkeeyey…
