Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Taliska Booliska Degmada Walanweyn Ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ayaa Digniin Soo...

Taliska Booliska Degmada Walanweyn Ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ayaa Digniin Soo Saaray

Taliska Booliska degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa digniin adag u diray dadka Gudaha degmada ku dhex sameeya ama ku dhex isticmaala waxyaanaha maanka dooriya.

Taliyaha Booliska degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdalla Boorow ayaa sheegay in maalahaan ay wadeen howlgallo kala duwan oo ay kusoo qabteen dad isticmaalayay kana ganacsanayay waxyaabaha maanka doorya, sida Calaqa, khamriga Orginalka ah iyo Xashiiska.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray taliyaha in howlgalkaas ay kusoo qabteen 4 Ruux oo ka Ganacsanayay maandooriyaha, waxaana uu uga digay dadka kale ee ku howlan ka Ganacsiga maandooriya.

Ugu dambeyn Taliyaha Booliska degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdalla Boorow ayaa uga digay dadka guryaha ka kireynaya dadka sameeynaya, waxaana uu ka dalbaday in qof walba uu soo gudbiyo dadka uu Guryaha ka kireeynayo.

Warkan digiinta ah ee kasoo baxay Taliska Booliska degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay bulshada degmada ay ka cabanayeen dadka Ganacsanaya ama isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...