Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Barnaamij-yada Taliska Booliska Jowhar oo soo bandhigay hub & Maxaabiis

Taliska Booliska Jowhar oo soo bandhigay hub & Maxaabiis

Taliska Ciidmada Booliska Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar ayaa Maanta soo bandhigay Maxaabiis iyo hub ay sheegeen in lagu qabtay dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Jowhar.

Maxaabiista la soo bandhigay ayaa gaaraya ilaa lix oo 5 kamid ah ay Booliska Hir-Shabeelle horay u xireen, kuwaas oo muddo todobaad ah ku jira Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar.

Taliyaha Booliska Magalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex oo Warbaahinta kula hadlay Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar ayaa sheegay in lixda Maxaabiista ah 5 kamid ah oo ay horay u xireen kana tirsan yihiin maleeshiyaad dhib ku haayay Shacabka Magaalada halka midka lixaad isaga oo dhaawac ah ay dagaalkii shalay ku qabteen.

Sidoo kale Taliyaha ayaa beeniyay in raggii shalay ay kula dagaalameen Jowhar ay ahaayeen macaawiisleey, balse uu sheegay inay ahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo dadka Shacabka ah dhac iyo dil ugu geysan jiray Galbeed Magaalada, isla markaana lidi ay ku ahaayeen Amniga Magaalada Jowhar.

Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray qaar kamid ah ilaalada Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Ciidamada Haramcad oo dowladda Soomaaliya geeysay Magaalada Jowhar.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed