Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku...

Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiiba

Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay soo bandhigeen Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda.

Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed Nuur Maxamed Xuseen oo dhinaca Al-Shabaab looga yaqaano ( Guudow) ayaa Saraakiisha Ciidamadu sheegeen in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca qaadista Sakada, isla markaana uu isku soo dhiibay Ciidamada ku sugan degaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay.

Taliyaha Guutada 8aad Qeybta 60aad ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Maxamed Nuur Mad dheere ayaa sheegay in Sarkaalkaan uu muddo 7 Sano ah ka tirsanaa Ururka Al-Shabaa , isla markaana uu ka Shaqeeynayay degaanka Dadaarow ee Gobolka Baay.

Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaa  ee Ciidamada isku soo dhiibay oo lagu Magacaabo Maxamed Nuur Maxaned Guudow oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa sheegay in sababta uu uga soo baxay Al-Shabaab ay tahay cadaalad darro lagu haayo Shacabka , isla markaana aan loo sheegi karin qaladkooda dhibaatana lagala kulmayo.

Taliyaha Guutada 8aad Qeybta 60aad ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Maxamed nuur Mad dheere ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano ku dhow dhow degaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay.

Dhowr jeer ayaa Taliska Ciidamada qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa soo bandhigeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen inay isku soo dhiibeen.

RELATED ARTICLES

Jabuuti oo shaacisay in diyaaradii uu saarnaa Fahad Yaasiin dib ugu celiyeen Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in dhmaan rakaabkii saarnaa Diyaaradda Turkish Airweys dib ugu celiyeen dalka Turkiga.Diyaaradaas oo wada...

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Twitter Feed