Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Taliska qeybta 27aad oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kaaraan iskana fogeeyay

Taliska qeybta 27aad oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kaaraan iskana fogeeyay

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka  xoogga dalka Soomaaliyeed Janeral Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) sheegay in dagaalkii ka dhacay Muqdisho aysan wax lug ah ku laheen Ciidanka Qeybta 27aad lagana been abuurtay.

Shir jara’id oo uu Warbaahinta u qabtay ayuu sheegay in Ciidanka qeybta 27aad aysan ka Shaqeyn magalada Muqdisho , balse ay yihiin kuwo ka howlgalla Gobolka Shabeellaha Dhexe kadib markii Maamulka degmada Kaaraan ay ku eedeeyeen in dagaalkii ka dhacay Kaaraan ay ka qeyb qaateen Ciidamo katirsan qeybta 27aad.

Waxaa uu sicad u sheegay inay jiraan rag hubeysan oo wata Gaadiidka & dharka Ciidamada Millateriga, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Shacabka Muqdisho & degaannada u xeeran.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka  xoogga dalka Soomaaliyeed Janeral Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in Cidianka qeybta 27aad ay haatan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaanka Xaaji Cali iyo degaannada ku dhow dhow.

Ugu dambeyn Taliye Tareedisho ayaa waxaa uu ugu baaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in Magaalada Muqdisho uu ka saaro Ciidamada Gadiidka & hubka ku dhex-wata Magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay inay ka tirsaneyn Ciidanka dowladda.

Laba maalin ka hor ayaa duleedka degmada Kaaraan & Gobolka Banaadir waxaa ku dagaalamay Ciidamo ka wada tirsan Millateriga Soomaaliya, kuwaas oo kala taageersan Taliyaha Guutada Afaraad Korneyl Saneey Cabdulle & Ismaaciil Xaadoole oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...