Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Taliyaha Ciidamada Dhulka Ee Xoogga Dalka Soomaaliya Oo guullo ka sheegatay dagaalladii...

Taliyaha Ciidamada Dhulka Ee Xoogga Dalka Soomaaliya Oo guullo ka sheegatay dagaalladii ka dhacay Bariire & Awdheegle

Genaral Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay Idaacadda wardeeq ayaa ka hadlay weeraro ku billowday qaraxyo iyo dagaalllo xigay oo saaka aroortii hore ka dhacay deegaanada Bariire iyo Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Biixi ayaa shaaciyey in ciidamada dowladda ay ka hortageen weeraro ay dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanadaasi, isaga oo xusay in khasare lixaad leh la gaarsiiyey raggii weerarka soo qaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in 45 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay dagaallada ka kala dhacay Bariire iyo Awdheegle, sidoo kalena tiro intaasi ka badan dhaawacyo culus la gaarsiiyey.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in deegaanadii lagu dagaallamay ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana howl-gallo ay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...