Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Taliyaha Ciidanka Asluubta” Qofkii Xabad nagu soo rida xabad ayaan ugu jawaabeeynaa”

Taliyaha Ciidanka Asluubta” Qofkii Xabad nagu soo rida xabad ayaan ugu jawaabeeynaa”

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Ciidamada Asluubta aysan aheyn kuwo loogu talo galay in dadka dilaan, isla markaana ay yihiin Ciidan Qaran oo dadk badbaadinayay.

Taliyaha oo u muuqday mid ka jawaabayay is rasaaseyntii shalay dhex-martay ilaalada Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud & Ciidanka Asluubta ayuu sheegay in Ciidanka Asluubta mudan yihiin in raali gelin la siiyo.

Madaxdii hore ee dalka gaar ahaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Kolonyo gelibeysay la rasaaseeyay ayuu sheegay in looga baahan yahay inay raali gelin ka bixiyaan wixii dhacay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sidoo kale sheegay in wadada hormarta Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda  Cadaaladda ay tahay midda ugu amniga wanaagsan loogana baahan yahay cid kasta oo mareysay inay si cadeeyso.

Isaga oo faah faahin ka bixinayay sida uu dagaalka u dhacay ayuu sheegay in mid kamid ah gaadiidka gelbineysay Xasan Sheekh oo xoog ku dhaafay Koontoroolka ay ku sugan yihiin Ciidamada Asluubta, kadibna uu rasaas ku siday Ciidamada

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan waxaa uu sheegay in qof walba oo marayay wadooyinka soo gala Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Xabsiga dhexe la hubinaayo xataa hadii uu yahay mas’uul, sidoo kalena qofkii Xabad kusoo rida ay xabad ugu jawaabayaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan horay u sheegay in israsaaseyntii dhex-martay Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud & Ciidanka Asluubta ay aheyd mid si khaldan ku dhacday, isaga oo raali-geln ka bixiyay.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed