Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray...

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray degmada Buulo-Burde

gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa waxaa si weyn lugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Buulo-Burde taliyaha qeybta 27-aad, Jeneraal Tareedisho iyo Saraakale kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo ku sugnaa degmadaas.

Sida ay ogaatay wardeeqnews  Socdaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee degmada Buulo-Burde ayaa ujeedkiisa u weyn yahay ka qeyb-galka munaasibada daah-furka taliska qeybta 27-aad oo laga dhigay degmadaas iyo dar-dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Odowaa ayaa inta uu ku sugan yahay Buulo-Burde waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona Saraakiisha ciidamada, oo uu kala hadli doona dar-dar gelinta howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysanayey gobolka Hiiraan.

Socdaalka Jeneraal Odowaa ayaa kusoo aadaya xili uu shalay madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabeelle gaaray degmada Buulo-Burde, oo kulamo kula qaatay maamulka iyo odaayasha degmadaas.

HirShabeelle ayaa weli wajaheysa dhibaatooyin is-biirsaday, sida khilaafka ka dhashay doorashadii hogaanka maamulkaasi, fatahaadda webiga Shabelle ee Jowhar iyo dagaalka Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed