Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Saraakiil Turkish ah (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Saraakiil Turkish ah (SAWIRRO)



Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qaabilay Saraakiil ka socotay Taliska Ciidanka Turkiga (Turksom).

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dhismaha Ciidanka Qaranka, iyadoona uu Turkiga muhiim u yahay dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

“Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,  Genera Odawaa Yuusuuf Raage ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay u qybsanaha arrimaha ciidanka u fadhiya Turkiga dalkeena Somaliya, Gaashaanle Sare Ozan.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa G/sare Ozan kala hadlay, sidii loo dardargelin lahaa xoojinta iyo dhisidda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Somaliya leedahay, iyadoo Dowladda Federaalka uu ka taageero kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska dalka iyo weliba ciidamada.

Image

Image

Image

Image



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...