Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Sports-ka Toni Kroos oo ka hadlay xaaladdiisa caafimaad iyo inuu matali karo xulka...

Toni Kroos oo ka hadlay xaaladdiisa caafimaad iyo inuu matali karo xulka qaranka Jarmalka

Laacibka khadka dhexe kaga ciyaara kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Toni Kroos ayaa la xanuunsanaya xanuunka Korona Fayras isagoo haatan ku jira karaantiil.

Balse taas kama aysan hor istaagin in looga yeero xulka qaranka dalka Jarmalka isagoo qayb ka ah safka Macallin Joachim Low uu kaga qayb gali doono tartanka qarammada qaaradda Yurub.

“Waxaan dareemayaa daciifnimo, waa dareen aan fiicneyn oo cusub” ayuu yiri Kroos.

“Haddii ay wax walba u socdaan sida qorsheysan waxaan kusoo biiri karaa qaranka waase laga yaabaa inaan kasoo dib dhaco maalin ama wax la mid ah.

“waxaan hadda dhihi karaa diyaar baan ahay” ayuu hadalkiisa kusi daray 31-jirka khadka dhexe kaga ciyaara Los Blancos.

Si kastaba ha ahaatee, laacibkii hore ee Bayern Munich ayaa seegaya kulanka ugu dambeeya Real Madrid ee ay La Liga la ciyaari doonto kooxda Villarreal.

RELATED ARTICLES

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la weeraray

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Uganda oo ka...

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo...

Bajaajleey xirtay waddo muhiim ah oo ku taal Muqdisho

Qaar kamid ah wadayaasha Bajaajta ee ka Shaqeeya gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay Maanta ku dibadbaxeen Aaga Isgoyska Shabeelle oo ku dhow Daljirka...

Facebook Feed

Twitter Feed