Skip to content
  • Privacy Policy
  • ABOUT US
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
Wardeeqnews

Wardeeqnews

Wardeeq 24TV

  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Xulka wararka
  • Barnaamijyada
  • Home
  • Xulka wararka
  • Wararka
  • Turkiga iyo Soomaaliya oo Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Iskaashiga
Wararka
Turkiga iyo Soomaaliya oo Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Iskaashiga
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Turkiga, Mudane Burhanettin Duran.   Kulanka labada dhinac waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga,...
  • Wararka

Turkiga iyo Soomaaliya oo Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Iskaashiga

Farxaan Yuusuf47 minutes ago02 mins

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Turkiga, Mudane Burhanettin Duran.

 

Kulanka labada dhinac waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii warbaahinta ay qeyb weyn uga qaadan lahayd guulaha uu ku tallaabsaday iskaashiga labada dal oo haatan meel fiican maraya.

 

Labada dal ayaa isku afgartey inay abuuraan wadashaqeyn istaraatiijiyadeed oo looga hortagayo dhibaatada wararka been-abuurka ah, isla markaana la iska kaashado xirfadaha iyo aqoonta warbaahinta casriga ah.

 

Wadahadalka labada dhinac ayaa qeyb ka ah kulan caalami ah oo looga hadlayo xoojinta saaxiibtinimada uu Turkiga la leeyahay Afrika, gaar ahaan iskaashiga iyo wax wadaqabsiga sii kordhaya ee sida gaarka ah u dhexeeya Soomaaliya.

 

Shirkan caalamiga ah waxaa ka soo qeybgalay diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro, kuwaas oo si saraaxad leh uga doodaya iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, oo ay ku jiraan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, sayniska, iyo is dhexgalka dadyowga labada dal.

  • Kenya iyo Soomaaliya oo Dib U Soo Celiyay Iskaashiga Xuduudaha Kadib Xirnaansho Muddo Socday
  • Shirkadaha diyaaradaha ee Mareykanka ayaa ka digaya joojinta laba barnaamij oo safar oo muhiim ah xilli DHS ay xireyso
  • Duqa Magaalada Baraawe oo Maanta Dib ugu Soo Noqday Degmada
  • La-taliyaha ugu sareeya Iiraan ayaa booqday dhexdhexaadiyaha Cumaan, iyadoo Iiraan iyo Mareykanka ay isu diyaarinayaan wadahadallo

Tagged: Turkiga

Post navigation

Previous: Soomaaliya oo ka Qeybgalaysa Shirweynaha Organization of Islamic Cooperation ee ka Furmaya Sacuudiga, Xoojinta Iskaashiga iyo Midnimada Islaamka

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka maanta

Soomaaliya oo ka Qeybgalaysa Shirweynaha Organization of Islamic Cooperation ee ka Furmaya Sacuudiga, Xoojinta Iskaashiga iyo Midnimada Islaamka

Farxaan Yuusuf2 hours ago 0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr. Ali Said Fiqi oo ka Qeybgalay Dhaarinta Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirrada, kuna Boorriyay Mas’uuliyad iyo Hufnaan

Farxaan Yuusuf1 day ago1 day ago 0

Cabdiraxmaan Cirro oo Safar Taariikhi ah ku Wajahan Israel, Isbeddel Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Geeska Afrika

Farxaan Yuusuf1 day ago 0
Verified by MonsterInsights