Flag Russia - Wardeeq news

Dowladda UK ayaa sheegtay in ay hadda awood u leedahay in ay xirto ama xitaa ay lawa reegaan Diyaaradaha Ruushka laga leeyahay ee hawadda UK soo dul mara.

Tallaabooyinkan oo ay ku dhawaaqday Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK, Liz Truss, ayaa dawladda siin doona awood ay ku xidho diyaaradaha Ruushka ee gudaha UK, isla markaana dembi ka dhigi karto in Diyaaradaha laga leeyahay Ruushka lagu dejiyo dalka Britian.

Wasiiradda ayaa sheegtay in talaabadan ay cadadis xoog leh ay saari doonto daqaalaha Ruushka.

Verified by MonsterInsights