Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Barnaamij-yada Waa in aad habeenkii barkinta hoosteeda gashataa toon – kuna seexo!

Waa in aad habeenkii barkinta hoosteeda gashataa toon – kuna seexo!

In qeyb toon ah aad hoos gashato barkinta waxay leedahay faa’idooyiin badan!

Dadka qaar waxay la tahay in aysan wanaagsanayn toonta maadaama ay soo shiireyso. Balse caalamka oo dhan ayaa laga isticmaalaa, waxaana lagu macaaneystaa cuntada.

Balse ma og tahay in toonta loo adeegsan karo qaabab badan – xitaa qolka jiifka?

Halkan ka akhriso faa’idooyiinka ay u leedahay qolka jiifka:

Xasillooni iyo degganaan

Hurdadaada waxay noqoneysaa mid qoto-dheer oo xasilloon, haddii qeyb yar oo toon ah aad geliso barkinta hoosteeda!

Waxaa suuragal ah in la yaab ay kugu noqoto, balse maadada sulphurous ee toonta ku jirta iyo shiirka ka soo baxaya, marka ay isku darsamaan, waxay leeyihiin saameyn xasillooni ah.

Shiirka toonta wuxuu soo gaarayaa barkinta, si aayar ah, wuxuuna fududeeyaa in si deggan aad u hurudo.

Waxaa intaas dheer, in ay tayada hurdadaada u fiicnaaneyso. Si kale haddii hadalka loo dhigo: si degdeg ah oo wanaagsan ayey hurdada kaaga imaaneysaa.

Sidee u adeegsaneysaa?

Hal ama laba qeyb oo toon ah geli barkinta hoosteeda (qolofta haka fiiqin), ka dib waad arki doontaa saameynteeda.

Sida canug yar ayaad u hurdi doontaa!

Hana ka walwalin, sababtoo ah qolka kama soo shiiri doonto toonta, ka dib marka aad soo toosto, adigana kaama soo shiiri doonto.

Haddaba, waxaa wanaagsan in aad tijaabiso.

Dhibaatada Hurdo la’aanta

Muddo qarniyo ah, Dadka ku kala nool daafaha caalamka, waxay toonta u adeegsanayeen hurdada wanaagsan. Waxay leedahay in qofka uu si fiican u hurdo – waa haddii barkinta hoosteeda la geliyo.

Kuleylka iyo udgoonta toonta waxay xoojiyaan shaqada maskaxda, waxayna daweysaa hurdo la’aanta.

Sidoo kale, cilmi-baaris ayaa lagu ogaaday in qarowga iyo riyooyiinka xun ay meesha ka saari karto.

Haddaba, haddii hurdo la’aan ay ku dhibaateysan, dawada waxay kuu taallaa jikada!

Caloosha

Toonta waxay u wanaagsan tahay caafimaadka jirka, si gaar ah caloosha.
Toonta waxay u wanaagsan tahay caafimaadka jirka, si gaar ah caloosha.

Toonta waxay u fiican tahay caloosha. Haddii aad qabto gaaska caloosha, waxaad galaas biyo ah ku darsan kartaa waxyar oo toon ah oo shiidan, ka dibna cab. Dhadhan iska caadi ah ayey yeelaneysaa. Ka dibna seexo.

Toonta waxaa ka buuxo maadada Allicin – oo ah dareere sida saliidda ah oo leh awood ay ku disho bakteeriyada.

Awooddaas ay ku dileyso jeemiska iyo bakteeriyada waxay kaga hortageysaa cudurro dhowr ah sida hergebka, xiranka halbowleyaasha dhiigga, beer xanuunka, hurdo-la’aanta, bidaarta iyo dhibaatooyiinka hoormoonada.

RELATED ARTICLES

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Madaxweynaha Galmudug oo laga codsadey inuu soo gudbiyo liiska musharaxiinta.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u diray Codsi la xiriira soorashada Aqalka Sare ee...

Dawlada somaliland oo ka hadashey dilkii G.kuminshanka doorashooyinka Gobola Sool.

Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ka hadlay Dil xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee...

Twitter Feed