Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Waa kuma hogaamiyaha cusub ee booliska adduunka ee lagu dhagan yahay?

Waa kuma hogaamiyaha cusub ee booliska adduunka ee lagu dhagan yahay?

Jenaraal u dhashay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay inuu dowr ku lahaa jirdil loo geystay dad maxaabiis ah ayaa loo doortay hogaamiyaha hay’adda booliska adduunka ee Interpol.

Axmed Naasir al-Raisi oo sarkaal sare ka ah wasaaradda arrimaha gudaha ee Imaaraadka ayaa xilkaas oo aan wax mushaar ah lagu qaadan loo doortay afarta sano ee soo socota.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa dedaal badan u galay in aan loo dooran xilkaas, waxaana ay ku eedeeyeen inuu baari waayay eedeymo loo qaateen ah oo ka dhan ah laamaha ammaanka Imaaraadka oo lagu eedeeyay inay jirdil u geysteen maxaabiis.

Jenaraal al-Raisi ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Imaaraadka oo eedeyntaas ka hadashay ayaa sheegay “inay rumaysan tahay in tacaddiyada iyo xadgudubka ay ku kacaan booliska ay yihiin wax xun oo aan loo dulqaadan karin”.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...