Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Waa sidee xaaladda degaanka Camaara oo lagu dagaalamay

Waa sidee xaaladda degaanka Camaara oo lagu dagaalamay

Waxaa saaka degan xaaladda degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo shalay gelinkii hore Al-Shabaab ay kula wareegeen weerar ku bilowday qaraxyo oo ay degaanka ku waadeen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ula wareegay degaanka Camaara, kadib markii Al-Shabaab ay isaga baxeen.

Wararka saaka laga helayo degaanka Camaara ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid caadi kusoo noqotay, balse Bulshada ay weli dareemayaan cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay saaka duleedka iyo gudaha degaanka Camaara ka wadaan howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaaiijinayo.

Degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa horaantii Bishaan Ciiidamada isgarabsanaya ay kala wareegeen Al-Shabaab, hayeeshee Al-Shabaab ay isku dayayaan inay markale dib jla wareegaan.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...