Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wabiga Shabeelle oo fatahaad horleh sameeyay

Wabiga Shabeelle oo fatahaad horleh sameeyay

Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu markale fatahaad horleh ka sameeyey degaano iyo tuulooyin hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Goobaha uu wabiga fatahaada ka sameeyay ayaa waxaa kamid ah tuulooyin u dhaxeeya degaannada Bayaxaaw iyo Halgan, halkaas oo dadkii badi deganaa ay isaga barakaceen.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka Maamulka Hr-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Cumar Ceeymooy  ayaa sheegay in fatahaada Wabiga ay keentay buqda halgan oo furantay, tasina ay keentay dhibato horleh.

Waxaa uu ugu baaqay dadka degan Wabiga Jiinkiisa inay ka feejignaadaan fatahaada Wabiga, isaga oo hadalkiisa uu intaasi ku daray in maamulka Hir-Shabeelle uu ku dadaali doono in uu ka hortago fatahaada.

Wabiga Shabeelle ee mara Gobolada labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa uu sanad walba sameeyaa fatahaado horleh, waxaana uu baabi’iyaa dalagyo dhowr ah sido kalena ay ka barakacaan Boqolaal qoys.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...